Wax yaabaha diinta ku saabsan

Nafsadda insaanku waa daciif. 


Waa wax jilicsan oo aan adkaysi badan lahayn. Dhib badan iyo dheef badan midna uma adkaysan karo. Alle wuxuu Quraankiisa ku yiri:  

“Insaanka waxaa lagu abuuray daciifnimo” Waxaa kale oo Alle yiri: 

“Insaanka waxaa lagu abuuray, adkaysi la’aan".  


Haddii dhib taabto aad ayuu u argagaxayaa. Waa  

quusanayaa. Wuu is nacayaa. Haddii khayr taabtana waa ku bakhaylnayaa. 

Wuxuu isku dayayaa inuu iska haysto oo uu  

san cid kale wax kasiin. A

lle wuxuu ku yiri aayada kale:  

“Insaanku waa dheef jacel yahay, waana dhib neceb yahay” 


"وخلق االنسان ضعٌفا " 

“Insaanka waxaa la abuuray isaga oo daciif ah”


أن االنسان خلق هلوعا, اذامسّه الشرّ جزوعا واذامسّه الخٌرمنوعا ّ 

“Insaanka waxaa lagu abuuray, baqdin iyo argagax, haddii dhib gaaro, wuu naxayaa, haddii khayr taabto, wuu diidayaa inuu gudbiyo, waa bakhayl.” 


"وأنهّ لحبّ الخٌرلشدٌد" 

“Insaanku jacaylka uu xoolaha uqabo waa mid xad dhaf ah”‟ 


●Aayadahaasi, waxay tusinayaan dabeecadda runta ah ee Joogtada ah ee Insaanka. 

Haddaba nafsadda Insaanku waa taas. Dabcigeeda joogtada ahna waa sidaas.

 Waxaa kaliya oo wax ka qaban kara waa barnaamijka- (borogaraamka) Alle ugu talagalay.


@mrxoosh